Turkiga oo eedeysane horleh u qabtey qaraxii Istanbul

Image
Bilaal Xasan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay qofkii gaarigiisa kusoo kaxeeyay ruuxa weerarka fuliyey.

ANKARA, Turkey - Tuhmane ku lug lahaa weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay Istanbul 13-kii November ayaa lagu wareejiyay mas'uuliyiinta Turkiga Talaadadii, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka.

Saraakiisha Bulgaria ayaa Ankara ku wareejiyay Hazni Golge kaasoo ka caawiyay tuhmanaha baxsadka ah ee Bilal Xasan inuu ka baxsado dalka kadib qaraxii argagixisanimo, isagoo ku sugnaa xadka labada dal.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay TV-yada maxaliga ah in eedeysanaha uu cararay kadib markii laamaha ammaanka Turkiga ay heleen xogtiisa.

"Waxaan ka wada hadalnay arrinta (mas'uuliyiinta) Bulgaria. Waxay nagu soo gaarsiiyeen (Golge) Edirne abbaaraha 18.00 (1500GMT). Waxaan uga mahadcelineynaa Bulgaria iskaashiga," ayuu yiri Soylu.

Bilaal Xasan ayaa gaari ku keenay ruuxii ka dambeeyay weerarka maalintii uu dhacay weerarkii ay ku dhinteen 6-da qof 81-ka kalena ay ku dhaawacmeen wadada mashquulka badan ee Istiklal ee Istanbul.

Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Istanbul ayaa wali wada baaritaanka uu ku hayo weerarkaas, iyadoo guud ahaan 59 tuhmane xabsiga loo taxaabay, 24 ka mid ah ayaa gacanta lagu hayaa, taasoo qeyb ka ah baaritaanka.

Soylu ayaa horay u shaaciyay in nin ay walaalo yihiin Bilaal Xasan ay sidoo kale gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka isla markaana uu wajahayo su'aallo waydiin ku saabsan kaalintiisa falkas dhimashada badan u geystay rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM