Turkiga oo gabaad siiyey tujaarada Ruushka ee la cunaqabateeyay

Image
Laba ka mid ah doomaha raaxada oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkiga.

ANKARA, Turkey - Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan dalka Turkiga ayagoo ilaalinaya sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Nevlut oo lagu wareystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynta reer galbeedka ay ka ganacsan karaan dalkiisa, asagoo su’aashan ka jawaabayana waxuu yiri: "Dabcan, waan ka fakiri doonnaa haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah, balse haddii ay ka hor imaaneyso, taasi waa sheeko kale".

Laba ka mid ah doomaha raaxada oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkiga.

Mar waxa laga weydiiyey dhibaatada ay u keeni karto fulin la’aanta cunaqabateynta, ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Ankara ay fulisay cunaqabataynada ay ansixiyeen Qaramada Midoobe, wax dhibaato ahna aysan kala kulmi doonin tan Ruushka.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maalqabeenada Ruushka ma ahan mid ay ansixiyeen Qaramada Midoobey balse waxaa soo rogay dalalka reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwo xubna ka ah Midowga

Tallaabooyinka ay soo rogeen ee ka dhan ka ah Ruushka waxaa ka mid ah in cunaqabateynta lagu soo rogay shakhsiyaadka iyo maalqabeenada u dhow madaxweyne Putin.

Tan iyo markii uu bilawday dagaalka Ukraine, dalal dhowr ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maalqabeenada Ruushka, ayagoo sheegaya in ay qayb ka tahay cunaqabateynta lagu soo rogay xukuumada Moscow.  

Turkiga oo xubin ka ah gaashaanbuurta NATO ayaa marnaba ka qayb qaadanin xanibaadda la saarayo dadka kasoo jeeda Ruushka asagoona xiriir xoogan la leh labada dal ee dirirtu ka dhaxeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM