Turkiga oo howlgal militari ka bilaabi doona gudaha Ciraaq

Image
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagi doona Ciraaq si loo dardargeliyo howlgalka.

Ankara (GO) - Wargeyska Hürriyet ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ay qaadi doonaan howlgal dhulka ah oo ka dhan ah xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan dib booqashada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Ciraaq.

Sida wargeysku sheegay, booqashada Erdogan ee Ciraaq ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Isniinta ah. Ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa filaya in bilaha xagaaga ay howlgal militari oo ballaaran oo dhanka dhulka ah ka sameeyaan waqooyiga Ciraaq kaasoo ka dhan ah kooxda PKK.

Erdogan ayaa marar badan sheegay in Ankara ay rajaynayso in ay dhawaan xalliiso xiisada amni ee ka taagan xuduuda ay Ciraaq la leedahay.

Dhinaca Turkiga ayaa sidoo kale doonaya in la sameeyo marin amni ah oo 30 ilaa 40 kiiloomitir ku jira gudaha Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM