Turkiga oo ka hadlay fatahaadaha kusoo rogmaday Qardho

Image

ANKARA, Turkey – Dowlada Turkiga ayaa ka tacsiyeysay geerida ka dhalatay daadadka kusoo rogmaday magaalada Qardho, xarunta gobolka Karkaar ee Puntland. Lix qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Ankara ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ay murugada la wadaageyso qoysaska.

"Waxaan aad uga xunahay inaan helno wararka ku saabsan khasaaraha naxdinta leh ee nafeed iyo burburka ballaaran ee ka dhashay daadadka culus ee ka dhacay Qardho, oo ah degmo ka tirsan Puntland ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee Wasaaradda.

Lixda qof ee geeriyooday ayaa saddex kamid ah waxaa lagu tilmaamay caruur, mid dumar ah iyo laba qof kale oo rag ahaa. Tobanaan kale oo lagu waayey musiibadda dib ayaa laga helay, sidda la xaqiijiyey.

"Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibada iyo shacabka walaalaheena ah ee Soomaaliyeed, waxaan u rajeyneynaa in uu Allah ha u naxariisto kuwa naftooda ku waayey, waxaanan tacsi u direynaa qoysaskooda," ayaa la raaciyey bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Gaowe Online.

Sidda ku xusan qiimey horudhac ah oo la sameeyay, ku dhowaad 150 guri oo ay ku jiraan mehrado ganacsi ayay cagta mariyeen daadadku.

Xukuumadda Puntland oo si deg-deg ah kaga jawaabtay dhibaatada dhacda ayaa gargaar horudhac ah gaarsiisay qoysaska mushkiladu ku habsatay, waxayna tilmaamtay in gurmad dhameystiran ay gaarsiineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM