Turkiga oo ka hadlay heshiiska Sacuudi Carabiya iyo Qadar

Image

ANKARA, Turkey  - Turkiga ayaa soo dhoweeyay go’aanka dib loogu furay xadka Sacuudiga iyo Qatar wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo bayaan soo saartay ku qeexdey in ay tahay "tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xallinta khilaafka".

Wasaaradda ayaa sidoo kale amaantay dadaalada ay wadaan Kuweyt iyo dalal kale ee caalamiga ah ee ku aadan joojinta dhibaatada.

"Rabitaankeenu waa in khilaafkan si buuxda oo joogto ah loo xaliyo iyadoo lagu saleynayo ixtiraamka wadajirka ah ee madaxbanaanida wadamada iyo in cunaqabateynta kale ee saaran Qadar sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xadka u dhexeeya Qatar iyo Sacuudiga waa furan yahay, laakiin ma jirin goobjoogeyaal ka gudbaya illaa iyo hadda, sida ay sheegeen wariyeyaasha Aljazeera ee jooga sohdinta Abu Samra.

"Jawigu waa xasilloon yahay, laakiin saraakiisha kastamku waxay ku jiraan shaqadoodana dhammaan tiirarka socdaalka way furan yihiin,”  ayuu xadka ka soo warramay wariyaha Aljazeera ee Sorin Furcoi.

Wuxuu ku daray: “Dhallinyaro reer Qatar ah ayaa gaari u waday dhanka xadka. Waxaan arkay sagaal - 10 baabuur oo istaagaya si ay ula xaqiijiyaan booliska taraafikada oo ku yaal halka laga soo galo barta xuduuda; runtii waa furan yahay xuduudka".

Bishii Juun 2017, wadamada  Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar - ayaa go'doomiyey Qatar, waxayna cuskadeen "inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran" iyaga oo u jaray xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Afartaas dal waxay sidoo kalr xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah saareen Qadar.

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin "cudurdaar sharci ah" oo ku saabsan xiriirka loo jaray.

Kuweyt waxay tan iyo xilligaas dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed.

Xirnaanshiyaha xuduudaha ayaa ahayd mid kamid ah shuruudihii ugu horeeyay ee ku xirnaan in dhinacyaddu wadahadlaan, waxaana loo arkayey in aysan macno lahyn hadii la shiro ayadda oo xayiraadda jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM