Turkiga oo ka hor-yimid qorshaha Trump ee la-wareegidda Gaza

Image

Ankara — Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza isla markaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale.

"Tani waa arrin aan la aqbali karin," ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin "anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin." "Xitaa in laga doodo waa khalad," ayuu raaciyay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka dhigi doono Gaza "mid aan la rumeysan karin," isagoo ballan qaaday in uu meesha ka saari doono walxaha qarxa ee aan dillaacin iyo burburka, isla markaana uu dib u dhisi doono dhaqaalaha gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza.

"Mareykanka ayaa la wareegi doona Marinka Gaza, waxaana ka qaban doonaa shaqo weyn," ayuu Trump ka yiri shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray in arrintaasi ay abuuri doonto "kumannaan shaqo."

"Waxaan arkaa in Mareykanka uu muddo dheer gacanta ku hayn doono Gaza, taasoo xasillooni weyn u keeneysa Bariga Dhexe iyo laga yaabee gobolka oo dhan," ayuu sii raaciyay. "Tani ma ahan go'aan sahlan, qof walba oo aan la hadlay wuu jecel yahay fikradda ah in Mareykanku lahaado dhulkan."

Dhanka kale, Shiinaha ayaa Arbacadii si cad uga hor yimid "barakicinta qasabka ah" ee Falastiiniyiinta ee Gaza, kaddib hadalkii Madaxweyne Trump.

"Shiinaha wuxuu aaminsan yahay in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay iyagu maamulaan dhulkooda, taasoo ah mabda’a asaasiga ah ee xukunka Gaza xilliga dagaalka kadib. Waxaan si adag uga soo horjeednaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Gaza," ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Lin Jian, mar la weydiiyay arrinta Trump.

Related Articles

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM