Turkiga oo mar kale qad casaan ah u xariiqay dowladda Sweden

Image
Sweden iyo Finland ayaa ka tanaasulay dhex dhexaadnimadooda muddo tobanaan sano ah.

ANKARA, Turkey - Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Talaadadii sheegay in ku guul-darreysiga mas’uuliyiinta Sweden ee ka hortaga dibad-baxyo lagu gubayo Qur’aanka kariimka ah ay sare u qaadayso welwelka amniga iyo su’aalo la iska weydiinayo aqoonsiga Sweden ee ku aaddan xubinnimada NATO.

Laakiin, Hakan Fidan wuxuu sheegay in Turkigu uu wali ansixin doono xubinnimada Sweden ee isbahaysiga militariga haddii Stockholm ay "dhammeysato shaqadeeda guriga" oo ay horay u sii wado dadaallada wax looga qabanayo walaacyada Turkiga.

"Xaqiiqda ah in nidaamka amniga Iswiidhishka uusan awood u lahayn inuu ka hortago daandaansiga wuxuuna soo bandhigayaa sawirka [dalka] oo dhibaatooyin u keenaya NATO - halkii ay ka ahaan lahayd awood badan," ayuu yiri.

Fidan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Waxay naga dhigaysaa inaan ka fikirno dhinacyada istaraatiijiyada iyo amniga". Fidan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa dalka Urdun.

"Marka ay timaado xubinnimada Sweden ee gaashaanbuurta NATO, haddii ay noqon doonto culeys ama faa'iido ayaa noqotay mid u furan in laga doodo," ayuu yidhi.

Sweden iyo Finland ayaa ka tanaasulay dhex dhexaadnimadooda muddo tobanaan sano ah, waxayna codsadeen in ay ku biiraan NATO sanadkii hore kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Turkiga ayaa hakiyay ansixinta xubinnimada Sweden ee isbaheysiga, isagoo ku eedeeyay dalka inuu aad ugu jilicsan yahay kooxaha ay Ankara u aragto inay khatar ku yihiin ammaankeeda, oo ay ku jiraan mintidiinta Kurdiyiinta iyo xubno ka tirsan shabakad ay Ankara ku eedaysay afgambigii dhicisoobay ee xagaagii 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM