Turkiga oo xiray qof lagu tuhmayo Al-Shabaab

Image

ANKARA, Turkey - Wakaaladda wararka u faafis Turkiga ee Anadolu Agency ayaa shaaca ka dhigtey in ciidamadda ammaanka ay magaalada caasimadda ah ee Ankara ku qabteen la tuhunsane Al-Shabaab ah.

La tuhunsanaha ayaa, sidda ku xusan warbixinada, waxaa lagu soo xiray howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamaxda booliska iyo Taliska Hay'adda Sirdoonka.

Balse, warbixinta oo laga soo xigtey illo wareedyo magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in ay saxaafadda u waramaan ayaan lagu caddeyn magaca shaqsiga la qabtey.

Sidda ku cad warbixinta, howlgalka suurtageliyey in gacanta lagu soo dhigo shaqsigaas waxaa loo jaray waaran ama balwo si meesha uga baxdo sheegasho sharci darro ah.

Fahfaahinada horudhaca ah ayaa tilmaamaya in shaqsigaas uu haysto dhalashadda Jarmalka iyo Talyaaniga isla marlaana magaciisa waxaa lagu soo koobay A.B.

Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta gudaha Soomaaliya balse waxay xilliyadda qaar ay falal liddi ku ah nabad-gelyadda ay ka fulisaa gudaha waddanka Kenya.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda sanadihii lasoo dhaafay sarreu-qaadey joogitaankooda Soomaaliya waxaana dowladda federaalka ah ay ka taageeraan dhismaha ciidanka iyo dabar-goynta maleyshiyada argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM