Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza
TEL AVIV, Israel — Saraakiil milatari oo ka kala socday Uganda iyo Burundi ayaa toddobaadkii hore booqday Israel, halkaas oo ay kala hadleen suurtagalnimada in ciidamo loo diro Gaza, si ay uga mid noqdaan ciidamo caalami ah oo amni oo uu qorsheynayo guddiga “Board of Peace” ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sarkaal ka tirsan guddiga ayaa sheegay in saraakiil Uganda ah ay ku biireen wafdi milatari oo Burundi ah, iyadoo Uganda ay dhammaystireyso faahfaahinta ka qaybgalkeeda, kaddib markii baarlamaanka dalkaasi bishan ansixiyay in ciidamo loo diro Gaza.
Burundi weli heshiis kama dambeys ah lama gaarin, balse sarkaalku wuxuu sheegay in la rajeynayo in geeddi-socodka wadaxaajoodyada la bilaabo.
“Waxaan wadaagnay xog iyo khibrad muhiim ah, waxaana wakiillada Burundi ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan howlgalkeenna,” ayuu sarkaalku yiri, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin maadaama uusan loo oggolaan inuu ka hadlo wadaxaajoodyada lala leeyahay dalalka laga yaabo inay ciidamo ku biiriyaan howlgalka.
Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Burundi ayaa AP u sheegay in wafdiga dalkaasi uu hoggaaminayay saddex sarkaal oo kale oo sare, isagoo sheegay in Burundi ay u muuqato inay doonayso inay ku biirto ciidanka Gaza.
Lama caddeyn waxa ay Uganda iyo Burundi siin doonaan ciidanka ama waxa ay dalalku ku heli doonaan beddelkeeda. Afhayeenno u hadlay milatariga labada dal ayaan ka jawaabin codsiyada warbaahinta ee ku aaddan arrintan.
Ciidamada caalamiga ah oo si gaabis ah u dhismaya
Haddii Burundi ay go'aansato inay ku biirto, labada dal ee Afrika ayaa noqonaya dalalkii ugu dambeeyay ee ciidamo u ballanqaada howlgalka caalamiga ah ee Gaza.
Morocco, Kosovo, Kazakhstan iyo Albania ayaa horey u sheegay inay ciidamo ku biirinayaan. Uganda ayaa ballanqaadday ku dhawaad 1,200 askari, halka Morocco ay sheegtay inay diri karto ilaa 500 askari. Kosovo, Kazakhstan iyo Albania ayaa isku darkooda ballanqaaday ku dhawaad 80 askari.
Indonesia ayaa horey u sheegtay inay diyaar u tahay inay dirto ilaa 8,000 askari, taas oo noqon lahayd ballanqaadka ugu weyn, balse qorshahaasi ayaa hakad galay kaddib markii Mareykanka iyo Israel ay weerareen Iran.
Ciidanka caalamiga ah oo la qorsheeyay inuu gaaro ku dhawaad 20,000 askari ayaa waxaa hoggaamin doona Major General Jasper Jeffers oo ka tirsan ciidamada Mareykanka. Tirada ciidamada ilaa hadda la ballanqaaday ayaa weli aad uga hooseysa yoolkaas.
Trump ayaa bishii hore ku dhawaaqay heshiis dhigaya in Hamas ay hubka dhigto, halka Israel ay ciidamadeeda kala baxdo Gaza. Sida qorshaha ku xusan, ciidamada caalamiga ah ee xasilinta ayaa la geyn doonaa goobaha Gaza ee ay maamulayaan guddi farsamo oo cusub, iyadoo ciidamada Israel ay halkaasi ka bixi doonaan.
Ciidanka ayaa loo qorsheeyay inuu kormeero xabbad-joojinta, tababaro booliiska Falastiiniyiinta, isla markaana gacan ka geysto sugidda gaarsiinta gargaarka bani'aadantinimo iyo hawlo kale oo amni.
Hase yeeshee, xabbad-joojintii Gaza ee dhaqan gashay bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa hakad gashay sababo la xiriira khilaaf ka taagan ka bixitaanka ciidamada Israel iyo hub-ka-dhigista Hamas.
Wafdi Mareykan ah ayaa horaantii bishan saacado badan la kulmay hoggaamiyaha Hamas, kaddibna waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, iyagoo isku dayaya inay horumariyaan heshiiska.
Hamas ayaa oggolaatay qorshaha cusub ee Mareykanka, balse Netanyahu ayaa diiday inuu ciidamadiisa kala baxo ilaa Hamas si buuxda hubka looga dhigo.
Netanyahu ayaa sheegay in Israel aysan ka bixi doonin ku dhawaad 60 boqolkiiba dhulka Gaza ee ay hadda gacanta ku hayso ilaa Hamas gebi ahaanba hubka laga dhigo. Xitaa kaddib kulankii uu la yeeshay wafdiga Mareykanka oo uu ku jiray wadaxaajoodaha Jared Kushner, Israel ma aysan bixin ballanqaad cad oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada.
Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalada Soomaaliya
Paul D. Williams, oo ah madaxa barnaamijka daraasaadka siyaasadda amniga ee Jaamacadda George Washington, ayaa sheegay in Uganda iyo Burundi ay khibrad weyn ka heleen howlgalada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.
Labada dal ayaa muddo dheer ciidamo ka joogay Soomaaliya iyagoo qeyb ka ahaa howlgalada Midowga Afrika ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaida.
Williams wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha labada dal ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay aqbalaan khasaarooyin badan oo dhanka ciidamada ah iyaga oo aan si degdeg ah uga soo saarin ciidamadooda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in maadaama howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay hoos u sii dhacayaan, Uganda iyo Burundi ay raadin doonaan fursado ay ku helaan taageero dhaqaale iyo qalab militari.
“Ciidamo loo diro Gaza iyadoo taageero Mareykan ah la helayo waa hal dariiqo oo taas lagu sameyn karo,” ayuu yiri Williams.
Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza. Sarkaalkaasi ayaa isna codsaday inaan magaciisa la shaacin maadaama uusan loo oggolaan inuu warbaahinta kala hadlo qorshaha.