Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

Image

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, United States Central Command (CENTCOM), ayaa shaaciyay in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku dhinteen howlgal militari oo ka dhan ah Iran.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus, halka tiro kale ay qabaan dhaawacyo fudud sida firir iyo jugo madaxa ah, kuwaasoo qaarkood dib loogu celinayo shaqadooda marka xaaladooda la xasiliyo.

CENTCOM waxay sheegtay in howlgalada dagaal ay weli socdaan, isla markaana jawaab celinta milatari ay sii socoto, iyadoo xaaladda lagu tilmaamay mid isbeddelaysa.

Taliska ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan bixin doonin faahfaahin dheeraad ah, oo ay ku jiraan magacyada askarta ku dhimatay, ilaa laga wargeliyo qoysaskooda si rasmi ah.

Dhinaca kale, CENTCOM waxay ku dhawaaqday in ciidamada Mareykanka ay duqeyn ku qaadeen markab dagaal oo Iiraani ah oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Markabka oo lagu magacaabo Jamaran-class corvette, ayaa la sheegay inuu haatan ku sii quusayo meel ku dhow dekedda Chah Bahar ee koonfurta Iran.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli xiisad militari oo sii kordheysa ay ka taagan tahay gobolka, iyadoo labada dal ay weli is-weydaarsanayaan weerarro iyo hadallo kulul.

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM