UK oo dib u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Syria

Image

London – Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Syria, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda David Lammy, oo ku tagay dalkaasi booqashadii ugu horreysay ee wasiir British ah muddo 14 sano ah.

Wasiirka ayaa booqday caasimadda Damascus, halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Syria, Axmed Al Sharaa, oo sidoo kale ah hoggaamiyaha kooxda mucaaradka Hayat Tahrir al-Sham (HTS), iyo wasiirka arrimaha dibadda Asaad Al Shaibani.

Tani waxay calaamad u tahay tallaabo cusub oo diblomaasiyadeed tan iyo markii xukunka Bashar al-Assad laga tuuray kooxaha mucaaradka ee ay hoggaamiyaan HTS bishii December.

War-saxaafadeed uu soo saaray Mr. Lammy ayaa lagu sheegay in “Syria oo deggan ay tahay danaha Boqortooyada UK” isagoo intaas ku daray: “Waxaan si toos ah u arkay horumarka cajiibka ah ee ay shacabka Syria ka sameeyeen dib u dhiska noloshooda iyo dalkooda.

“Kadib in ka badan toban sano oo dagaal, waxaa dib u soo laabtay rajo cusub oo shacabka Syria ah.

“UK ayaa dib u soo celinaysa xiriirka diblomaasiyadeed sababtoo ah waxay tahay danahayaga inaan taageerno dowladda cusub si ay u gaarto ballanqaadkooda ah in la dhiso mustaqbal deggan, ammaan badan, iyo barwaaqo u ah dhammaan shacabka Syria.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wadashaqeynta Caalamiga ah iyo Horumarinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqday xirmo gargaar bini’aadantinimo oo dhan £94.5 milyan si loogu taageero gargaar degdeg ah iyo dib u soo kabashada muddada dheer ee dalka, kaddib markii qaar ka mid ah cunaqabateynta British-ka ee dalkaasi la joojiyay bishii April.

In kasta oo HTS weli lagu tilmaamo koox argagixiso oo mamnuuc ah, haddana Sir Keir Starmer ayaa sanadkii hore sheegay in laga yaabo in laga saaro liiskaasi.

Xafiiska madaxweynaha Syria ayaa sidoo kale sheegay Sabtidii in Madaxweynaha iyo Mr. Lammy ay ka wada hadleen iskaashi iyo sidoo kale horumarka ugu dambeeyay ee ka socda Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM