UK oo diiday Soo-jeedinta Faransiiska ee Xabbad-joojinta Ukraine

Image

LONDON - Dawladda Ingiriiska ayaa hoos u dhigaysa soo-jeedinta Faransiiska ee ku aaddan xabbad-joojin hal bil ah ee Ukraine, iyadoo wasiir ku xigeenka ciidamada Luke Pollard uu ka digay in fursad la siiyo Ruushka oo sameeyo dib u habeyn iyo abaabul kale, si weeraro kale ugu qaadaan dalkaas.

Luke Pollard, ayaa sheegay in doodo kala duwan ay jiraan, balse uu adkeeyey in aan weli la gaarin qorshe rasmi ah, kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in dalkiisu iyo Ingiriisku ay taageerayaan fursadda xabbad-joojinta ku xadidan halka bil.

Sir Keir Starmer, Ra'iisul Wasaaraha UK, ayaa shir deg-deg ah u qabtay madaxda Yurub, iyadoo xulafada ay ka wadda hadleen sidii loo heli lahaa xal cusub kaddib dagaalkii dhanka afka ee ka dhex-dhacay Aqalka Cad ee u dhaxeeyay Donald Trump, JD Vance oo isku dhinaca ah iyo Volodymyr Zelensky.

Trump ayaa aad u canaantay Zelensky, iyadoo warbaahinta ay kula hadlayeen gudaha Aqalka Cad, waxaana Madaxweynaha Ukraine loo sheegay in hadii uusan qaadan nabada Ruushka, uu Mareykanka joojin doono taageeradda dalkaas.

Madaxda Yurub ayaa sheegay inay dejin doonaan qorshe xabad-joojin ah, islamarkaana ay la kaashan doonaan Madaxweyne Trump, oo isaga billaabay dadaallada nabada Ukraine, oo xiriir toos ah kala sameeyay Putin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM