UK oo ka fiirsaneysa qorshaha NATO ku difaacayso Ukraine

Image

LONDON, UK - Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub.

Sidoo kale qorshahaas ayaa laba laabi doono tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo kuwa difaaca ah loo diro dalka Estonia.

Ra’isulwasaare Johnson ayaa sheegay in tallaabadani ay farriin cad u direyso Ruushka isla markaana aysan u dul-qaadan doonin ficilladooda carqaladeynta ah.

Britain ayaa hora yuga digtay in duulaan kasta oo uu Ruushka ku qaado Ukraine, ay uga jawaabi doonaan cuna-qabateyn dhaqaale oo deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee u dhexeyso Ukraine iyo Ruushka ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo ay sii xoogeysatay cabsida laga qabo tallaabooyinka Vladmin Putin.

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa dalalka reer galbeedka ugu baaqay in aysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan dalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM