UK oo markii ugu horreysay hirgelisay masaafurinta muhaajiriinta sharci darrada ah

Image
Dowlada Ingiriiska ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan bisha July ee sanadkan.

London (GO) - Boqortooyada UK ayaa markii ugu horreeyay u tarxiishay qof magangalyo doon ah Rwanda, taasoo qayb ka ah barnaamij musaafuris ikhtiyaari ah oo loogu talagalay muhaajiriinta codsiyadooda magangalyo la diiday, sida ay sheegtay warbaahinta Ingiriiska.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii baarlamaanka Britain uu ansixiyay sharci muran badan dhaliyay oo dowladda u ogolaanaya in ay dib ugu celiso Rwanda dadka soo galootiga ah oo sifad sharci darro ah ku soo galay dalka.

Ninkan oo aan magaciisa iyo dhalashadiisa asal ahaan aan la xusin, ayaa Isniintii ka dhoofay Boqortooyada Ingiriiska, sida ay sheegtay warbaahinta Britain, taasoo tilmaantay inuu ogolaaday inuu u dhoofo Kigali, ka dib markii la diiday codsigiisa magangelyo.

Dowlada Ingiriiska ee muxaafidka ah ee uu hogaamiyo Rishi Sunak ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan marka la gaaro bisha July ee sanadkan, iyada oo qofkii oggolaada in dalka laga musaafuriyo la siinayo lacag gaaraysa 3 Kun oo gini.

Wargeyska The Times, oo soo xiganaya ilo-wareedyo dawladda ka tirsan, ayaa sheegay in ninkaasi uu aqbalay in la masaafuriyo, laguna beddelo lacag dhan 3,000 oo Giniga Istarliinka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM