UK oo shaacisay qaabka ay go'aan uga qaadaneyso Taliban

Image
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa si deg-deg ah fasax uga soo laabtey si uu uga shiro xaalada Afghanistan.

LONDON, Britain - Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in kooxda Taalibaan looga go'aan qaadan karo ficilladooda "ee aan lagu xukumi doonin hadalkooda".

Daalibaan waxay sheegeen inay rabaan nabad, aysan ka aargudan doonin cadawgii hore. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay ixtiraami doonaan xuquuqda haweenka kuna saleynayaan shareecada Islaamka.

Hase ahaatee, kumanaan reer Afgaanistaan ​​ah, oo badankoodu caawiyay ciidamada shisheeye ee Mareykanka horkacayey kuwaasoo ka hayaamay waddankaas, ayaa quus ka taagan inay baxaan "si ay u badbaadan".

"Waxaan ku xukumi doonnaa nidaamkan si ku saleysan xulashooyinka uu sameeyo, iyo ficilladiisa halkii aan kaga go'aan qaadan lahayn ereyadooda, aragtida argaggixisannimada, dembiyada iyo mukhaadaraadka, iyo sidoo kale helitaanka bani’aadamnimada, iyo xuquuqda gabdhaha inay helaan waxbarasho," ayuu Johnson u sheegay baarlamaanka UK, kaas oo si deg-deg ah uga soo laabtey fasaxii xagaaga si uu ugala hadlo xaaladda kasoo cusboonaatay waddanka Afghanistan.

UK ayaa kamid ah wadamada ciidamadda ka joogeen Afghanistan 20-kii sano ee lasoo dhaafay oo ay dagaalo qaraar kula jireen maleyshiyaadka la rumeysan yahay in ay taageero sahay ka hesho dowladda Iiraan.

Isniintii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Dominic Raab ayaa sheegay in UK ay ka fikireyso inay cunaqabateyn ku soo rogto Taliban oo ay haatan saaran tahay xayiraad uu kusoo rogay Mareykanka.

Mr Raab oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee Britain ayaa wuxuu daaha ka rogay in Britain ay adeegsan doonto "dhammaan hababka maaliyadeed ee aan awoodno" si ay cadaadis culus ugu saarto Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM