UK: Tafaasiil laga bixiyey Soomaaliga "dilay" Xildhibaanka

Image
Shaqsigan aan wali lasoo bandhigin magaciisa oo xabsi ku jira ayaa la qabtey isaga oo wata Toorey.

LONDON, UK - Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in ay "dhacdo argagixiso" u tixgelinayaan dilka Xildhibaanka Conservative-ka ee Sir David Amess, sida ay warisay laanta dibada la hadasha ee warbaahinta BBC-da. 

Sir David oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaas ayaa dhowr jeer mindi lagu waxyeeleeyay isaga oo ku sugan degaan doorashadiisa Leigh-on-Sea ee gobolka Essex Jimcihii.

Nin 25 jir ah oo u dhashay dalka Ingiriiska balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa isla goobta lagu qabtay isaga oo wata Toorey waxaana looga shakisan yahay dilka.

Ra'iisul Wasaaraha boqortooyadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa naxdin iyo murugo ka muujiyey dhacdadan uu ku sifeeyay “mid ka mid ah kuwa ugu naxariista badan siyaasadda".

Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan qabanqaabada amniga ee xildhibaannada "si dhaqso leh u dhaqan galaya", ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay.

Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha ayaa la dilay 2016 -kii. Waxaa lagu toogtey banaanka maktabad ku taal Birstall, West Yorkshire, halkaas oo lagu waday in lagu qabto kulamo khuseeya degaan doorashadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM