UK: Tafaasiil laga bixiyey Soomaaliga "dilay" Xildhibaanka

Image
Shaqsigan aan wali lasoo bandhigin magaciisa oo xabsi ku jira ayaa la qabtey isaga oo wata Toorey.

LONDON, UK - Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in ay "dhacdo argagixiso" u tixgelinayaan dilka Xildhibaanka Conservative-ka ee Sir David Amess, sida ay warisay laanta dibada la hadasha ee warbaahinta BBC-da. 

Sir David oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaas ayaa dhowr jeer mindi lagu waxyeeleeyay isaga oo ku sugan degaan doorashadiisa Leigh-on-Sea ee gobolka Essex Jimcihii.

Nin 25 jir ah oo u dhashay dalka Ingiriiska balse asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa isla goobta lagu qabtay isaga oo wata Toorey waxaana looga shakisan yahay dilka.

Ra'iisul Wasaaraha boqortooyadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa naxdin iyo murugo ka muujiyey dhacdadan uu ku sifeeyay “mid ka mid ah kuwa ugu naxariista badan siyaasadda".

Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan qabanqaabada amniga ee xildhibaannada "si dhaqso leh u dhaqan galaya", ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay.

Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha ayaa la dilay 2016 -kii. Waxaa lagu toogtey banaanka maktabad ku taal Birstall, West Yorkshire, halkaas oo lagu waday in lagu qabto kulamo khuseeya degaan doorashadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM