Ingiriiska: Wasiirad is-casishay kadib markii fadeexad lagu helay

Image
Waa mas'uulkii labaad oo xil-saraya haya oo laga badalo xukuumada Truss wax ka yar asbuuc markii la magacaabay.

LONDON, UK - Xoghayihii arrimaha gudaha ee Ingiriiska Suella Braverman ayaa xilka iska casishay kadib markii ay jebisay shuruuc ku saabsan wadaagga macluumaadka xasaasiga ah ee dowladda.

Shaqo ka tagideeda ayaa timid kadib markii ay dukumeenti rasmi ah ay ka dirtay iimaylkeeda gaarka ah, lix toddobaad kadib markii ay xilkana u u magacowdey Ra’iisul Wasaare Liz Truss.

Haweenay mayal-adag, Braverman ayaa ka baxdey dawladda Truss, sidda ay warbaahinta UK sheegtay Arbacadii waxaana ay qeyb ka noqoneysaa qaska durba hareeyay hogaamiyaha cusub ee Britain.

"Waan qaldamay, waan aqbalay mas'uuliyadda; waan iska casilayaa," ayay ku tiri warqad ay u dirtay Truss oo la soo dhigay mareegga Twitter-ka ayna halkaas ka xigteen saxaafadda.

Braverman ayaa sheegtay in ay "walaac weyn ka qabto" sida ay dawladda uga go'an tahay in ay ixtiraamto ballan-qaadyadii ay u samaysay cod-bixiyayaasha doorashadii u dambaysay.

Xaaladda bixitaanka Braverman si dhakhso ah looma sheegin balse BBC-da iyo qaar kale ayaa tabiyey is-casilaada haweeneydan garabka midig, oo isku soo taagtay doorashadii hoggaanka xisbiga Conservative-ka ee dhawaan dhacday.

Ilo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa xaqiijiyay in Braverman uu maqan tahay xili ra’iisul wasaaraha UK ay baajisay daqiiqaddii ugu dambeysay safar ay ku tagi lahayd Westminster Arbacadii.

Tagitaanka Braverman ayaa noqonaysa talaabadii labaad ee wasiiradii ugu sarsareeyey ee Truss oo la badalo wax ka yar todobaad kadib markii ay shaqada ka cayrisay wasiirkii maaliyadda Kwasi Kwarteng Jimcihii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM