Ukraine oo in ka badan 144 drone is-qarxin ah ku weerartay Ruushka

Image
Inta la xaqiijiyay hal qof oo lagu sheegay haweeney ayaa ku naf-waayay weerarkan.

MOSCOW, Russia - Haweeney ayaa lagu dilay meel u dhow magaalada Moscow kadib markii hadhaagii diyaaradii la soo riday ee Drone-ka laga leeyahay dalka Ukraine ay ku dhacday dabaqii ay daganeyd oo ay dab qabadsiisay, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in difaacooda cirka ay soo rideen 144 diyaaradood oo laga leeyahay Ukraine habeen hore, iyadoo 20 kaligood ay dulmarayeen gobolka Moscow.

Badhasaabka gobolka Moscow Andrei Vorobyov ayaa sheegay in burburka diyaaradda Drone-ka ay waxyeello u geysatay ugu yaraan laba dabaq oo dhaadheer oo ku yaalla degmada Ramenskoye saacadihii hore ee Salaasadii, halkaas oo ay dab qabadsiiyeen dhowr guri.

In ka badan laba sano iyo bar tan iyo markii Moscow ay bilowday duullaankeeda buuxa, Ukraine waxay si degdeg ah ula socotaa horumarinta warshadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gudaha si ay ugu suurtagasho inay weerarto tamarta Ruushka, militariga iyo kaabayaasha gaadiidka.

Ukraine ayaan ka hadlin weerarkan,waxana uu ku soo beegmay iyadoo laga dhawaajiyay digniino duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay Kyiv xilli ay mar kale duqeymo ka geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku qaadeen caasimadda Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM