Ukraine oo ka qaylo-dhaamisay qorshe Ruushka "maleegayo"

Image
Hase ahaatee, xukuumadda Moscow waxay gaashaanka ku dhufatay sheegashooyinkan.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa cod dheer ku sheegay in "wakiilada" Ruushku ay qorsheynayaan inay afgambiyaan dowladdiisa toddobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaqan culeyskiisa wata ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Ruushka ay kusoo qulqulayaan xeyndaabka xuduuda labada dal taasoo dhalisay walaac iyo cabsi badan.

Mr Zelensky ayaa xusay in codad laga duubay ay muujinayaan in ganacsadaha ugu taajirsan Ukraine uu qayb ka yahay qorshaha, inkasta oo xukuumadda Mosocow ay diidey sheegashadaas.

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa dhanka kale sheegay in Ruushku "uusan qorsheyneynin inuu ku lug yeesho arrimaha gudaha ee dalka Ukraine". Balse, kama jawaabi su'aallo kale oo dheeraad ah.

Moscow ayaa sidoo kale waxay meesha ka saartay walaaca laga qabo ciidamada tirada badan ee ay abaabuleyso laguna arkayo xuduudka labadda waddana oo ay ku tilmaantay "qeylo-dhaan".

Jimcihii, Xoghayaha Guud ee Nato, Jens Stoltenberg, wuxuu ka digay in adeegsiga Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine ay "ku imaan doonto kharash", isagoo aan sheegin waxa ay tani noqon doonto.

Mr Zelensky waxa uu dhaleeceeyay "hadallo aad khatar u ah" oo ka soo baxaya Ruushka. "Waa calaamad... in ay dhici karto in ay sii xumaadaan," ayuu yiri. "Waxaa jirta khatar ah in maanta uu dagaal dhici doono berri, waxaan gabi ahaanba diyaar u nahay inaan dagaal siino."

Qayb weyn oo ka mid ah ciidamada Ruushka ayaa ku sugan Crimea, oo ah jasiiradda uu Ruushku ka qabsaday Ukraine bishii March 2014. Ciidamada ayaa dhowaan ku soo qulqulayey meel u dhow gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM