Ukraine oo ka walaacsan wadahadalada Trump iyo Putin

Image

UKRAINE - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in Ukraine aysan haysan fursad badan oo ay kaga badbaadi karto weerarka Ruushka iyadoo aan taageero ka helin Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallo lagu soo afjari doono dagaalka ay bilaabi doonaan kadib wicitaan telefoon oo uu la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku dooday in Putin uusan xiiseyn in uu dhammeeyo dagaalka, balse uu kaliya doonayo xabbad joojinta kumeel gaarka ah ee keeni karta in cunaqabateynta la qaado, taasoo siinaysa militariga Ruushka fursad uu isku soo abaabulo.

Wuxuu sidoo kale muujiyey welwelka uu ka qabo suurtagalnimada in Ukraine ay militar ahaan u daciifto iyadoo aan taageero ka helin ciidamada Maraykanka, taasoo ka dhigaysa mid si sahlan loogu jebin karo weerarada Ruushka.

Isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu suurtagal tahay inuu dhowaan la kulmo Putin si uu u bilaabo wadahadallada xabbad-joojinta.

Trump ayaa markaas sheegay inuusan u arkin mid macquul ah in Kyiv ay ku biirto NATO, isla markaana aanay suuragal ahayn in Ukraine ay dib u hesho dhulkeedii oo dhan. Ukraine ayaa dalbaneysa in Ruushka uu ka baxo dhulka uu qabsaday, waxaana ay sheegtay in ay helayso xubinnimada NATO ama dammaanadyo amni oo la mid ah si looga hortago weerar kale oo Moscow ay ka fuliso.

Zelenskyy ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance intii uu socday shirka Amniga Munich Jimcihii, isagoo dadaal ugu jira in Ukraine aysan waynin taageeradda Washington ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka saddexda sano socday, kaasoo lagu qiyaasay inuu ku dilay malaayiin qof labada dhinac.
 
GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM