Ukraine oo sheegtay in ay riday buufin "sahan" Ruushka lahaa

Image
Ruushka ayaan wali si degdeg ah uga hadlin wararka ku saabsan buufinnada hawada sare ee Kyiv.

KYIV, Ukraine - Lix biibiile oo Ruushku leeyahay oo lagu arkay magaalada Kyiv ayaa intooda badan la toogtay ka dib markii ay duqeeyeen ciidanka difaaca hawada, sidda uu sheegay maamulka millatariga ee magaala madaxda.

Buufinadda ayaa laga yaabaa in ay sideen qalabka sahanka, hase ahaatee, saraakiishu ma aysan caddeyn goorta ay soo galeen hawada caasimadda, inkastoo digniino kasoo saarey Arbacadii.

Afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushka, oo ku soo duulay Ukraine bishii Febraayo ee sannadkii hore, laga yaabo in uu U isticmaalo buufinnada olole cusub si uu u ilaaliyo kaydkiisa diyaaradaha wax basaasa.

Yuriy Ihnat ayaa waxa uu xaqiijiyay in seeriga duullaanka cirka uu ka dhacay caasimadda Arbacadii sababo ku aadan buufinnada lagu arkay hawada sare ee magaaladda caasimadda ah.

Ruushka ayaan wali si degdeg ah uga hadlin wararka ku saabsan buufinnada hawada sare ee Kyiv. Isku-dayo xiriir oo warbaahinta la sameysay Aqalka looga taliyo Moscow ayaan guuleysan.

Moscow ayaa lumisay ku dhawaad ​​kala bar taangiyada dagaalka tan iyo duulaankii Ukraine sanad ka hor, sidda lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatiijiga ah (IISS).

Ukraine ayaa dhankeeda heshay ilaa 100 taangi oo casri ah oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan US Abrams, German Leopard, iyo Challenger British, kuwaas oo awoodoodu aad uga badan tahay kuwii hore ee Ruushka uu haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM