Ukraine: Ruushka oo duqayn ku dilay 60 arday

Image
Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha

KYIV, Ukraine – Daraasiin dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib duqeyn Ruushka uu la beegsaday Ruushku oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadkyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ta oo ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.

“Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku soo hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yiri guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu fariin ku qoray boggiisa Telegramka.

Waxa uu intaas ku daray in duqeymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen labo wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.

Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah.

Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u sheegtay in aanay jirin wax “Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukraine ku qaadayna “uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagey magaalada Kyiv oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ka dibna waxa uu dib u faray safaaraddii Canada ee magaalada ay dagaaladu aafaayeen.

Danjiraha Maraykanka ee Ukraine, Kristina Kvien iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa iyaguna dib ugu noqday magaalada Kyiv, iyaga oo isu diyaarinaya in dhawaan ay dib u furaan safaaraddii Maraykanka ee magaalada Kyiv.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM