UN: 1.4 bilyan qof ku nool Afrika baa wajahaya nafaqo-xumo

Image
Qaaradda Afrika ayaa aad uga fog in madaxdeeda ku baraatugaan inay soo afjaraan gaajada.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan afar-meelood saddex meel dadka ku nool qaaradda Afrika ayaanan awoodin inay helaan cunto caafimaad leh, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika Khamiistii.

Warbixinta ayaa waxa ay intaas ku daraysaa in qofka shanaad oo kamid ah lixdaas ruux ay nafaqo-xumo hayso "sababo ku aadan dhibaato cunto oo aan horay loo arag".

"1.4 bilyan qof oo ku dhaqan qaaradda ayaa wajahaya heerar aad u sarreeya oo gaajo iyo nafaqo darro ah," ayaa lagu yiri warbixinta. "Waxaa sababay Gaabiska ku yimid haruurka caalamka kadib dagaalka Ruushka ee Ukraine".

Sidda laga soo xigtay qormada, dhibaatadda waxaa cirka kusii tolay markii ay qaaradda Afrika kusoo bateen isku-dhacyadda hubeysan, isbeddelka cimilada iyo saamaynta masiibada COVID-19.

UN-ka iyo AU-da oo warbixinta soo saarey ayaa waxa ay cod dheer uga digeen "in malaayiin qof la filayo inay halis ugu jiraan inay gaajada sii xumaato mustaqbalka dhow".

"Sababo ku aadan tirada dadka da’yarta ah ee lagu wado in ay laba jibaarmaan sanadka 2050, Afrika waa gobolka kaliya ee sida xawliga ah u koraya ee dadku aad ugu sii faqrisan yihiin, qaarkoodna waxay bilaabeen inay u dabaaldegaan afgambiga ay sameeyeen askar u ballanqaaday nolol wanaagsan," ayay raaciyeen.

In kasta oo ay hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah, Afrika ayaa aad uga fog in madaxdeeda ku baraatugaan inay soo afjaraan gaajada iyo dhammaan noocyada nafaqo-xumada marka la gaaro 2025-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM