UN: Dhibaatada bini'aadanimo ee Gaza indhaha lagama qarsan karo

Image
Ciidamada Israel ayaa weeraray tuulooyinka, iyo magaalooyinka ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

DOOXA, Qadar - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, UNRWA, ayaa sheegtay in aanay hadda ka dib bixin karin adeegyada aas-aasiga ah ee waqooyiga Gaza.

UNRWA ayaa cuksatay shaqaale yari iyo "burburka nidaamka bulsho". Weerarrada Israel ee ka dhanka ah rayidka iyo xannibaadda helitaanka gargaarka cuntada.

Dhanka kale, ciidamada Israel ayaa weeraray tuulooyinka, iyo magaalooyinka ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo baarayay guryaha, waxayna isku dhaceen dadka deegaanka oo iska caabin jiray duulaanka, sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.

Sida laga soo xigtay Wafa, ciidamada Israel ayaa isku gadaamay guryaha laba wiil oo Falastiini ah oo walaalo ah oo la toogtay Khamiistii ka dib weerar hubaysan oo lagu dilay qof Israa'iili ah, ku dhawaad ​​toban kalena way ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale la hareereeyay guriga qof saddexaad oo Falastiini ah oo ku dhaawacmay isla toogashadii dhimashada lahayd ee labada walaalaha ah.

Cagaf-cagafta milatari oo Israa’iili ah ayaa la socday ciidanka isku gadaamay labada guri ee ku yaalla tuulooyinka Beit Taamar iyo Zaatara, ee bariga Beytlaxam.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa ugu baaqday caalamka in aan indhaha laga qarsanin dhibaatada bani'aadamka ee "aan la sheegi karin" ee ka jirta Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM