UN-ka oo mar kale fashilmay inuu xabad-joojin ka dhaliyo Gaza

Image
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kaliya ku baaqay in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo marinka Qaza.

NEW YORK, United States - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah waxa uu ku meelmariyay qaraar ku baaqaya in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo marinka Qaza.

Hase ahaatee, qaraarkaas oo dood badan abuuray ayaa waxa uu ka gaabsaday baaq ku saabsan xabbad-joojin degdeg ah oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.

Codbixinta ayaa daba socotay wadahadalo maalmo socday si looga fogaado diidmada qayaxan ee Mareykanka, oo xubinta joogta ka ah ee UNSC iyo xulafada muhiimka ah ee Israel.

Madaxa Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in "dhibaatada dhabta ah" ee gaarsiinta gargaarka ay tahay duulaanka joogtada ah ee Israel.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxa ay horey uga digtay in magaaladda Gaza ay halis ugu jirto macaluul haddii dagaalku sii socdo lana gaarsiinin wax gurmad ah.

Israa’iil ayaa billowday olole millatari oo ballaaran oo ay doonayso in ay ku baabi’iso Xamaas kaddib weerarkii 7-dii October oo ay ku dileen ugu yaraan 1,200 oo qof oo ka dhacay koonfurta Israa’iil, ayna ku qafaasheen in ka badan 240 qof.

Dhanka kale, ugu yaraan 20,000 oo qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza tan iyo xilligaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta taasoo la sheegay in ay maamusho Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM