​UN oo cambaareysay hadallada Donald Trump

Image

Madaxa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday musharraxa ugu cadcad xisbigaJamhuuriga ee Donald Trump.

Waxa uu sheegay in mushraxan doonaya inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka uu gaysanayo xadgudub.

Asigoo aanan magacaabin ninkan taajirka ah, Seyd Racad Al Xuseyn waxa uu Trump ku eedeeyay sida uu u taageersan yahay jirdilka.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay sida uu u taageersan yahay in Muslimiinta si gaar ah loo dabagalo.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Cleveland, halkaas oo dadka ku nool ay bisha Juley dooran doonaan Musharroxooda, Amiir Zeyd waxa uu tilmaamay in eexda iyo munaafaqnimada aysan cadeyn u ahayn hogaan wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hadallada naceybka aysan ahayd wax lagu majaajileysto ama madadaalo ah.

Waa qofkii ugu dambeeyay oo xil caalami ah haya ee cambaareeya loolanka xisbiga Jamhuuriga.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM