UNSOM oo loo kordhiyay wakhtiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa u ansixiyay soo jeedinta xubno kamid ah golaha ee in loo kordhiyo wakhtiga Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ee UNSOM.

Qabyo Qoraalka oo ay soo gudbisay dowlada Ingiriiska oo iyadu garwadeen ka ahayd ayaa u ogolaanaya UNSOM in ay sii shaqayso ilaa Oct 31 -2024.

UNSOM ayaa lagu booriyay in ay la shaqayso ATMIS oo qorshuhu yahay in ay Soomaaliya ka baxaan 2024 sidoo kale laga fiirsado Amaanka shaqaalaha UNSOM.

Walaac ayaa ku hareeraysan ciidamada ATMIS oo la qorsheeyay in ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka 2024 iyada oo Argagixisada AS ay duulaano horey ugu qaadeen xeryaha ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa macawisleyda.

UNSOM ayaa lagu badalay xafiiskiisa qaramada midoobay u qaabilsanaa siyaasadda Soomaaliya kaasi oo horey loo oran jiray UNPOS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM