Ururka ISIS oo sheegatay weerarkii Faransiiska

Image

14 Novembar, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay ururka ISIS ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen weerar khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay dalkaasi, kaasi oo galaaftay nolosha in badan 150 ruux.

Bayaan uu soo saaray ururka ayaa lagu sheega inay  jawaab u yihiin weeraradan kuwo ururrada lagu hayo ee ka socda dalka Siiriya.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa ku dhawaaqay in dalka Faransiiska saddex maalmood oo barooridiiq ah loo sameyn doono dadkii ku dhintay weerarradii dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Hollande ayaa weerarkaasi ku eedeeyey ururka ISIS, isagoo ballan qaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii weerarradasi fuliyey.

Hollande, ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in la xiro dhammaan xuduudaha dalkaasi.

Weerarkan ayaa loo malaynayaa inay gaysteen saddex ruux oo ismiidaamiyaal kuwaasi oo qaybtood isgarxiyeen halka ciidanka amnigu toogteen haraadiga ragga weerarka fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM