Taageereyaasha urur laga mamnuucay UK oo "hanjabay"

Image

LONDON — Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Priti Patel, ayaa Jimcihii sheegtay inay mamnuucday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, tallaabadaas oo ka dhigtay mawqifka UK ee ku aadaan maamulayaasha Marinka Gaza inay la jaanqaadeyso go'aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub.

"Xamas waxay leedahay awood weyn oo argagixisanimo, oo ay ku jiraan inay helaan hub aad u ballaaran oo casri ah, iyo sidoo kale xarumo lagu tababaro argagixisada," ayay Patel ku tiri hadal ay soo saartay. "Taasi waa sababta aan maanta go'aankan u qaatay si aan Xamaas u mamnuuco gebi ahaanba." ayay sii raacisay.

Ururkan Xamaas ayaa mamnuucistiisa loo cuskaday sharciga Argagaxisada ee Uk, waxaana qof kasta oo taageero u muujiya, calankiisa qaata ama u qabanqaabiya shirar uu noqonayo mid jabinaya sharcigaas, sida ay xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Patel ayaa la filayaa inay Baarlamaanka horgeyso isbeddelkan toddobaadka soo socda.

Xamaas waxay leedahay garbo siyaasadeed iyo mid ciidan. Waxaa la aasaasay 1987, waxayna ka soo horjeeddaa jiritaanka Israa'iil iyo wadahadal nabadeed, taas beddelkeeda waxay u ololaynaysaa " iska caabin hubaysan" oo ka dhan ah qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.

Wixii xilligan ka horreeyay Britain waxa ay mamnuucday oo kaliya cududdeeda milatari ee guutada Izz al-Din al-Qassam Brigades.

Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in tallaabada Britain ay muujinayso "in ay si buuxda ugu xaglinayso Israa'iil, ayna u hoggaansantay handadaadaha iyo amarrada Israa'iil."

Ergada Falastiin ee UK, oo wakiil ka ah maamulka Falastiin ee Madaxweyne Maxamuud Cabaas ee ay reer galbeedku taageeraan, ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabadan.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett ayaa soo dhaweeyay go'aankan, isaga oo Xamaas ku tilmaamay 'argagixiso".

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM