US iyo Turkey oo ka shiray xaaladda dalka Syria

Image

November 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden oo shalay oo Sabti ahay ku kulmay magaalada Istanbul ayaa isla soo qaaday xaaladda dalka Syria iyo weliba sidii xukunka looga tuuri lahaa Bashar Al-asad islamarkaana dowlad kumeel gaar ah dalkaas loogu dhisi lahaa.

Labda mas'uul oo kulankooda kadib si wadajir shir-saxaafadeed u qabtay, waxay sheegeen in laysku afgartey mucaaradka Syria in taageero maaliyadeed iyo mid militeriba loo fidiyo si awood ugu yeeshaan inay meesha ka saaraan nidaamka Asad.

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay khatarta ka imaan karta kooxda IS iyo weliba  sidii laysula dejin lahaa istaraatiijiyad dhameystiran oo ku aadan la dagaalanka kooxdaas oo awoodeeda kusii baahineysa qaybo kamid ah dalalka Syria iyo Ciraaq.

Dowladda Turkiga oo walaac xooggan ka qabta in qalalaasaha ka taagan Syria dhankeeda usoo gudbo, waxay horay u shaacisay inaysan si toos ah qayb uga noqon doonin hawlgalka Maraykanku hormuudka ka yahay ee ka dhanka ah IS, balse waxay u ogolaatey dagaal-yahannada Kurdishka ee Peshmerga inay ka gudbaan xuduudka dalkeedu la wadaago Syria si ay u gaaraan magaalada Kurdiyiintu difaacanayaan ee Kobane..

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM