US iyo xulafadeeda oo duqeeyey ceelal shidaal

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Isbahaysiga ka dhanka ah kooxda IS ee Maraykanku hormuudka ka yahay oo maalintii saddexaad duqeymo ka wada dalka Suuriya ayaa xalay weeraray wershedo shidaalka lagu sifeeyo oo kooxdaasi ay maamusho.

Duqeynta ayaa sida wararka lagu helayo waxaa lagu diley ku dhowaad labaatan kamid ahaa dagaalyahanada IS, waxaa sidoo kale ku geeriyooday shan qof oo kale oo rayid ah.

Maraykanka ayaa shaaciyey in wershadaha shidaalka ee la duqeeyey uu kooxdaas kasoo geli jirey maalin kasta adduun lacageed oo gaaraya labo milyan oo doolar.

Laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay, militeriga Maraykanku waxay dalka Ciraaq ka fuliyeen 190 weerar oo dhanka cirka ah, duqeymahaas oo badankooda ay diyaardaha bilaa duuliyaha ahi fuliyeen, waxaa lala bartilmaameedsaday fariisimo ciidan iyo gaadiid dagaal oo kooxda Daacish leedahay. 

Maraykanka oo dadaal dheer u galay sidii uu taageero ku aadan la dagaalanka kooxda IS uga heli lahaa dalalka ku yaalla gobolka Bariga Dhexe gaar ahaan Carabta, wuxuu ku guuleystey inuu samaysto xulafo ballaaraan oo Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ku jiraan.

Isniintii lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu horreysey ee Maraykanka iyo xulafadiisu ay duqeymo ka geystaan gudaha dalka Suuriya, waxayna arrintaasi kusoo aadeysaa todobaadyo kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu shaaciyey in la ballaarin doono dagaalka ka dhanka ah IS oo sida uu tilmaamay khatar ku ah gobolka iyo caalamka oo dhan.

IS oo sidoo kale loo yaqaan magaca Daacish, waa koox xagjir ah oo ka arimisa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxayna dhaqaalaha ugu badan ka heshaa shidaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM