USA: goob lagu soo bandhigayey sawir-gacmeed ka dhan ah Nebiga oo la weeraray

Image
Image
Image
Image
Image

May 4, 2015 (GO)- Booliska Maraykanka ayaa labo nin ku toogtey duleedka magaalada Dallas ee gobolka Texas kadib markii ay soo weerareen goob lagu soo bandhigayey sawir-gacmeed lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed (NNKH).

Labada nin oo watey gaari yar ayaa rasaas ku furey dhismaha oo xilligaas uu khudbad ka jeedinayey Geert Wilders oo isagu ah mudane ka tirsan barlamanka Holland kana mid ah dadka caanka ku ah Islaam naceybka.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey askari ka tirsanaa booliska, haseyeeshe dadkii kale ee goobta ku sugnaa wax dhibaato ahi masoo gaarin, waxaana dhammaantood goobta laga soo saarey iyaga oo bed qaba.

Dhanka kale, boolisku ilaa iyo hadda ma shaacin magacyada labada nin ee weerarka soo qaadey, sidoo kale lama caddeyn in weerarkaasi ahaa fal argagixiso iyo in kale.

January 2015, ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeedna toogasho ku dileen 12 qof o shaqaalaha wargeyskaas ka tirsanaa.

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IOM iyo Midowga Yurub oo Muhaajiriinta Soomaaliya kasoo celinaya Libya

Sida laga soo xigtay IOM Displacement Tracking Matrix, in ka badan 1,400 muhaajiriin Soomaali ah ayaa ilaa Abriil 2025.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 09:21AM

Zelenskyy: “Ukraine waxay wajahaysaa laba doorasho — in ay lumiso sharafkeeda ama saaxiibtinimada Mareykanka”

Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu u baahan yahay taageero joogto ah, balse ay ka sarreyso baahidaas ilaalinta karaamadooda.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 06:44AM