USA: Haweenaydii ugu horeysay oo dil toogasho lagu fulinayo

Image

WASHINGTON, US - Maxkamadda Rafcaanka Mareykanka ayaa laashay go'aan lagu hakiyey dil toogasho oo lagu fulin lahaa haweenay kaliya sugeysa go'aan ay kiiskeeda kasoo saarto maxkamad heee federaal ah.

Lisa Montgomery ayaa 2004 ceeji ku dishay haweenay xaamilo ahayd kahor inta aysan la baxsan gabadheeda.

Hadii dil toogasho lagu fuliyo, waxay noqoneysaa haweenaydii ugu horeyaay ee xukunkaas lagu qaado kugu dhowaad 70 sano kahor.

Toogashada Montgomery ayaa kalkii hore loo madalsanaa bishii lasoo dhaafay balse waxaa la hakiyey kadib markii qareenadeena laga helay Covid-19.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa kadib u muddeysay 12-kii Janaayo. Hasa ahaatee, qareenadeeda waxay ku doodeen waqtigaas aan la fulin karin iyadda oo hakinta ay jirto.

Maxkamadda ayaa taageertay qareenadda waxayna joojisay amarka ksoo baxay Agaasimaha Xafiiska Xabsiyadda oo ku saabsanaa dilka toogashadda.

Koox garsooreyaal ah oo Jimcada todobaadkii hore waxay soo gabagabeeyeen kiiska ayaa sheegay in Agaasimaha uu dhaqangeliyey sharciga, waxayna ogolaadeen dilka toogashadda.

Haweenaydii ugu horeysay ee ay toogatay dowladda Mareykanka ayaa ahayd Bonnie Heady taasoo 1953 lagu dilay qolka gaaska ismaamulka Missouri, sidda laga soo xigtay Xarunta Macluumaaska Xukunada Dilka Toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM