Iran oo codsatay inay ku biirto xulafada USA

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Maraykanka ayaa ku gacan sayray hadal kasoo yeeray mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Iran, kaasoo ahaa in Iran ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish(IS) haddii laga khafiifiyo cadaadiska ka saaran dhanka barnaamijkeeda nukliyeerka.

Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in codsiga Iran uu yahay mid aan sinaba loo aqbali doonin maadaama barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran iyo dadaalka uu Madaxweyne Barack Obam ugu jiro sidii uu taageero caalami ah ugu heli lahaa la dagaalanka kooxda IS ay yihiin labo arrimood oo aanay waxba iska khuseyn.

Mas'uulka u hadlay Aqalka Cad oo lagu magacaabo Josh Earnest wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu aanay ku kalsoonaan karin Iran oo ay adag tahay inay la yeeshaan iskaashi militeri iyo mid dhanka sirdoonka ah.

Maraykanka ayaa mar sii horeysey ugu baaqay dalalka gobolka Bariga Dhexe inay qayb ka noqdaan isbahaysi xooggan oo isagu uu hormuud ka noqon doono, si loo wiiqo awoodda Kooxda IS ee ku xooggan qaybo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Iran oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha fiican Bariga Dhexe uguna xoogan marka laga hadlayo awoodda militeriga, waxay si weyn ugu lug leedahay dagaalka ka socda dalka Suuriya maadaama ay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-asad.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM