Iran oo codsatay inay ku biirto xulafada USA

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Maraykanka ayaa ku gacan sayray hadal kasoo yeeray mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Iran, kaasoo ahaa in Iran ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish(IS) haddii laga khafiifiyo cadaadiska ka saaran dhanka barnaamijkeeda nukliyeerka.

Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in codsiga Iran uu yahay mid aan sinaba loo aqbali doonin maadaama barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran iyo dadaalka uu Madaxweyne Barack Obam ugu jiro sidii uu taageero caalami ah ugu heli lahaa la dagaalanka kooxda IS ay yihiin labo arrimood oo aanay waxba iska khuseyn.

Mas'uulka u hadlay Aqalka Cad oo lagu magacaabo Josh Earnest wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu aanay ku kalsoonaan karin Iran oo ay adag tahay inay la yeeshaan iskaashi militeri iyo mid dhanka sirdoonka ah.

Maraykanka ayaa mar sii horeysey ugu baaqay dalalka gobolka Bariga Dhexe inay qayb ka noqdaan isbahaysi xooggan oo isagu uu hormuud ka noqon doono, si loo wiiqo awoodda Kooxda IS ee ku xooggan qaybo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Iran oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha fiican Bariga Dhexe uguna xoogan marka laga hadlayo awoodda militeriga, waxay si weyn ugu lug leedahay dagaalka ka socda dalka Suuriya maadaama ay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-asad.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM