USA: Qofkii u horeeyay oo laga helay nooca cusub ee Covid19

Image

WASHINGTON, USA - Kiiskii ugu horreeyay oo ah qof uu ku dhacay nooca omicron ee coronavirus ayaa laga helay gobolka Galbeedka ee California, saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa Arbacaddii sheegay.

Qofka ayaa ku soo laabtay Mareykanka safar uu ku tagay Koonfur Afrika 22-kii Noofambar waxaana laga helay Isniintii, sida laga soo xigtey Dr. Anthony Fauci oo saxaafadda u waramay.

Fauci ayaa wuxuu yahay khabiirka cudurada faafa iyo madaxa lataliyaha caafimaadka ee Madaxweyne Joe Biden. Hadalkan wuxuu ka sheegay shir jaraa'id uu ku qabtey gudaha Aqalka Cad.

Khabiirka wuxuu sheegay in qofka uu leeyahay astaamo fudud oo Coronavirus ah, uu is karantiilay soona hagaagtey xaaladiisa. "Qofka si buuxda ayaa loo tallaalay," ayuu raaciyey Fauci. "Balse weli ma helin tallaal xoojin ah".

Lataliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu daaha ka rogay in dadka la xiriiray qofka safarka ah ee cudurka qaba ay tijaabiyeen wax xun oo ah cudurka "Coronavirus".

Mareykanka ayaa si rasmi ah wuxuu ugu biirayaa liiska wadamadda 24-saac oo kamid ah saacadaha caadiga ah ee maalin kasta laga soo warinayo guud ahaan caalamka.

Kiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Biden lagu soo waramayo inuu isku diyaarinayo inuu ku soo rogo shuruudo tijaabo ah oo adag dhammaan dadka safarka ah ee caalamiga ah ee soo galaya dalka.

Talaabadan ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay qayb ka tahay dadaaladda lagu xakameynayo fiditaanka nooca cusub ee safmarka kaasoo kalkii hore la xaqijiyey in uu kasoo ifbaxay waddanka Koonfur Afrika asbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM