USA: Wasiirka cusub ee Difaaca oo codka kalsoonida loo qaadey

Image

WASHINGTON, USA – Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa Jimcadii meelmariyey in Jeneraalka howlgabka noqdey ee Lloyd Austin uu hogaamiyo Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka taas oo ka dhigeysa qofkii ugu horeeyay ee Afrikaan Ameerikaan ah oo madax ka noqda Wasaaraddaas.

Austin oo ay magacaabidiisa ogolaatay 93 ayna ka hor-timid 2 ayaa noqonaya xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada madaxweyne Joe Biden oo hela kalsoonida sharcidejinta tan iyo markii la dhaariyey Arbacadii.

Golaha Wakiiladda iyo Senate-ka ayaa Khamiistii waxay sheegeen in Jeneraalkan uu buuxiyey shuruudaha lagu hogaamin karo Waaxda Difaaca oo ay kamid tahay in saraakiisha hore ee milatariga ay kaliya shaqada ka maqan yihiin ugu yaraan todoba sano. Austin wuxuu shaqada ka fadhiistay 2016-kii.

Sharcigan soo baxay 1947 ayaa ujeedkiisu yahay in lagu ilaaliyo dadweynaha. Balse, Austin oo kaliya shaqada ka maqnaa shan sano waxaa kalsoonida siiyey Congress-ka. Jeneraal James Mattis ayaa ka horeeyay oo helay 2017.

Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Mareykanka ayaa si weyn ugu kala qeybsamay in Jeneraal Austin uu hogaamiyo Wasaaradda Difaaca isaga oo aan buuxin shuruudaha uu ku muteysan karo, waxaana diidmadiisa isku baheystay 14 Xildhibaan dimuqraadi ah iyo 13 mudane oo Jamhuuriyiin ah.

Sikastaba ha ahaatee, Austin wuxuu ku guuleystay in uu helo taageerada Senate-ka, isaga oo u mahadcelinaya waaya-aragnimadiisa dhanka ciidanka.

Austin ayaa madax ka noqdey taliska dhexe ee ciidamadda Mareykanka kaasoo dusha kala socda howlgaladda Bariga Dhexe, wuxuuna xilkaas hayey mudadii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii illaa 2016-kii – waqtigaas oo uu kaalin weyn ka cayaaray howlgaladda ka dagaalanka maleyshiyadda Daacish ama ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM