USA: Wasiirka cusub ee Difaaca oo codka kalsoonida loo qaadey

Image

WASHINGTON, USA – Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa Jimcadii meelmariyey in Jeneraalka howlgabka noqdey ee Lloyd Austin uu hogaamiyo Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka taas oo ka dhigeysa qofkii ugu horeeyay ee Afrikaan Ameerikaan ah oo madax ka noqda Wasaaraddaas.

Austin oo ay magacaabidiisa ogolaatay 93 ayna ka hor-timid 2 ayaa noqonaya xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada madaxweyne Joe Biden oo hela kalsoonida sharcidejinta tan iyo markii la dhaariyey Arbacadii.

Golaha Wakiiladda iyo Senate-ka ayaa Khamiistii waxay sheegeen in Jeneraalkan uu buuxiyey shuruudaha lagu hogaamin karo Waaxda Difaaca oo ay kamid tahay in saraakiisha hore ee milatariga ay kaliya shaqada ka maqan yihiin ugu yaraan todoba sano. Austin wuxuu shaqada ka fadhiistay 2016-kii.

Sharcigan soo baxay 1947 ayaa ujeedkiisu yahay in lagu ilaaliyo dadweynaha. Balse, Austin oo kaliya shaqada ka maqnaa shan sano waxaa kalsoonida siiyey Congress-ka. Jeneraal James Mattis ayaa ka horeeyay oo helay 2017.

Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Mareykanka ayaa si weyn ugu kala qeybsamay in Jeneraal Austin uu hogaamiyo Wasaaradda Difaaca isaga oo aan buuxin shuruudaha uu ku muteysan karo, waxaana diidmadiisa isku baheystay 14 Xildhibaan dimuqraadi ah iyo 13 mudane oo Jamhuuriyiin ah.

Sikastaba ha ahaatee, Austin wuxuu ku guuleystay in uu helo taageerada Senate-ka, isaga oo u mahadcelinaya waaya-aragnimadiisa dhanka ciidanka.

Austin ayaa madax ka noqdey taliska dhexe ee ciidamadda Mareykanka kaasoo dusha kala socda howlgaladda Bariga Dhexe, wuxuuna xilkaas hayey mudadii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii illaa 2016-kii – waqtigaas oo uu kaalin weyn ka cayaaray howlgaladda ka dagaalanka maleyshiyadda Daacish ama ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM