USA: Xukun laga soo saarey dadka magangalyo doonka ah

Image
Maamulka Biden ayaa ku guuldareystay isku-dayo uu ku joojin lahaa siyaasad uu dejiyey nidaamkii Turmp.

WASHINGTON, USA - Maxkamadda Sare Mareykanka ayaa ku amartay Madaxweyne Joe Biden inuu dib u soo celiyo siyaasadda ah in dadka magangalyo doonka ah ay sii joogaan Mexico inta dacwadaha laga baaraandegayo.

Siyaasadda waxaa dejiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Donald Trump, taas oo qayb ka ah tallaabooyinkiisa lagu xakameynayo tirada magangalyo -doonka ah ee soo galaya Mareykanka.

Laakiin Mr Biden ayaa hakiyay maalintii ugu horreysay ee xafiiska. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in siyaasaddu ay muhaajiriinta u horseedayso xaalado halis ah oo ka jira magaalooyinka xadka Mexico.

Talaadadii, Maxkamadda Sare ayaa diiday dalab lagu doonayay in lagu horjoogsado xukunka garsoore fadhigiisu yahay Texas oo dowladda looga baahan yahay inay dib u soo nooleyso siyaasaddii Ilaalinta Muhaajiriinta (MPP).

Waxay sheegtay in maamulka Biden "uu ku guuldareystay inuu muujiyo suurtagalnimada guusha" sheegashada ah in ka noqoshada siyaasaddu aysan ahayn "mid aan loo meel dayin oo khiyaano leh".

Maamulka Biden wuxuu samayn karaa isku day kale si uu isugu dayo una joojiyo siyaasadda. Qaxootiga nolosha wanaagsan u doonta Mareykanka waxaa kamid ah qaar Soomaali ah.

Ururka Xoriyadaha Madaniga ah ee Mareykanka ayaa ugu baaqay Mr Biden inuu mar kale isku dayo oo uu bixiyo "sharraxaad buuxda" sababta ay tahay in siyaasadda loo joojiyo si ay fursad u helaan kumanaanka soo-taloogiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM