Vietnam oo yeelatay hogaamiye cusub kadib kacdoon siyaasadeed

Image
Xilka madaxweynaha ayaa dalkan ka ah jago maamuus hase ahaatee waa jago awood badan.

HANOI, Vietnam - Baarlamaanka Vietnam ayaa u coddeeyay Vo Van Thuong inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas kadib isku shaandheyn lagu sameeyay hogaanka sarre iyadoo uu socdo olole ballaaran oo ka dhan ah musuqmaasuqa.

Kalfadhi aan caadi ahayn oo Khamiista yeesheen, sharci-dajiyayaashu waxay taageereen Thuong ka dib markii xisbiga shuuciga ee talada haya uu u magacaabay Arbacadii inuu yahay musharraxa keliya ee u taagan xilkaas.

Xilka madaxweynaha ayaa dalkan ka ah jago maamuus hase ahaatee waa afarta xil ee ugu awooda waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya marka laga hadlayo loolanka siyaasadda.

Isugeyn 487 ka mid ah 488 xubnood oo xaadirtey fadhiga Golaha Shacbiga ayaa u codeeyay Thuong, sidda ay sheegtay Viet Nam News ee ay dawladdu maamusho.

Magacaabida Thuong ayaa ku soo beegantay xilli uu kacdoono siyaasadeed ka socday Vietnam, halkaas oo xisbiga shuuciga ah ee awoodda badan uu bilaabay olole lagu sifeynayo shaqsiyaad lala xiriirinayo musuqmaasuqa.

Wasiiro dhowr ah ayaa shaqadda laga eryay kadib markii ay kusoo baxeen caddeymo muujinaya in ay lunsadeen xoolo dadwayne taasoo horseeday banaanbaxyo dadwayne.

Doorashadu waxay daba socotaa xil ka qaadis kedis ah bishii Janaayo ee lagu sameeyay hogaamiyihii ka horreeyay, Nguyen Xuan Phuc, kaas oo xisbigu ku eedeeyay "xadgudubyo iyo khaladaad" oo ay geysteen mas'uuliyiinta uu xukumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM