Da’yarka maxkamadeyntiisu gilgishay Mareykanka

Image
Masiirkiisa waxaa go'aamiyay 12-qof oo xeerbeegti ah oo ka kooban toddoba dumar ah iyo shan rag ah.

NEW YORK, USA – Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Maraykanka oo toogasho ku dilay laba nin intii ay socdeen mudaaharaadyo cadaalad lagu goobayey ayaa lagu waayay dambiga iyo dhammaan eedeymaha kale ka dib markii uu sheegay inuu is-difaacayay.

Kyle Rittenhouse, oo 18 jir ah, ayaa shaqsiyaadka ku khaarijiyey mid saddexaadna ku dhaawacay waddooyinka Kenosha, Wisconsin, 25kii Ogosto sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

Intii ay socotay dacwaddan gilgishay guud ahaan Mareykanka sababtayna xaalad siyaasadeed, qareenkiisu wuxuu sheegay in uu naftiisa u baqay. Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in uu habeenkaas dhibaato raadinayay.

Mr Rittenhouse ayaa si xun u toogtay Joseph Rosenbaum oo 36 jir ah iyo Anthony Huber oo 26 jir ah ka dibna waxa uu dhaawacay Gaige Grosskreutz oo 27 jir ah. Mr Rittenhouse iyo ragga uu toogtay dhamaantood waa caddaan.

Waxa uu wajahay shan dacwadood, oo ay ku jiraan dil ula kac ah, oo xukunkeedu yahay xabsi daa’in ah. Ciidamo ka tirsan kuwa qaranka ayaa loo diray magaalada, iyadoo laga cabsi qabay in qalalaase uu dhaco.

Masiirka Kyle Rittenhouse ayaa waxaa go'aamiyay 12-qof oo xeerbeegti ah oo ka kooban toddoba dumar ah iyo shan rag ah, kuwaas oo qaatay in ka badan saddex maalmood.

Mr Rittenhouse, oo 2020-kii da'diisu ahayd 17, ayaa magaalada uga soo safray gurigiisa oo ku yaalla Illinois. Isagoo ku hubaysan qori yar oo otomaatig ah, wuxuu sheegay inuu doonayay inuu xasilooni daradda ka ilaaliyo hanti maguurto qoyskiisu leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM

Sacuudiga oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Isbahaysi Caalami ah oo Lagu Ilaalinayo Maraakiibta Badda Cas

Tan iyo markaas, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:35AM