Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

Image

Doha — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerar duqeyn ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas, waxaana la tuhunsan yahay in uu bartilmaameedku ahaa Khalil al-Hayya, hoggaamiyihii hore ee Gaza iyo mid ka mid ah xubnaha muhiimka u ah wada-xaajoodka kooxda.

Khalil al-Hayya, oo hadda deggan dalka Qatar, ayaa ka mid noqday shanta hoggaamiye ee kumeelgaarka ah ee hoggaaminaya golaha sare ee Xamaas, kadib dilalka silsiladda ahaa ee saraakiisha ugu sarreysay ee kooxda, oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Haniyeh (oo lagu dilay Tehran), Yaxya Sinuwaar (oo lagu dilay Gaza), iyo taliyihii milatari Maxammed Dayf, dhammaan sanadkii hore.

Al-Hayya ayaa si gaar ah ugu soo shaac baxay dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda, isagoo tan iyo aasaaskii Xamaas sanadkii 1987 ka tirsanaa kooxda, laakiin door muuqda ka qaatay wada-hadallada xabad-joojinta ee lala yeeshay dalal ay ka mid yihiin Isra’iil, Masar, iyo Mareykanka, isagoo inta badan ka howlgalayay magaalada Dooxa.

Ku sugan dalka Qatar awgiis, al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in wiilkiisa, Humam, uu ku dhintay weerarkii ugu dambeeyay. Kani ma aha khasaarihii ugu horreeyay ee qoyska al-Hayya soo gaara: sanadkii 2014, weerar kale oo Israa’iil fulisay ayaa lagu dilay wiilkiisa Osama, xaaskiisa iyo saddex carruurtood ah, kadib markii gurigooda lagu dhuftay gantaal.

Sawir hore ayaa muujinaya Khalil al-Hayya oo fadhiya guriga tacsiyeed ee lagu xusayay geeridii Ismaaciil Haniyeh, taasoo ahayd dhacdo murugo weyn leh oo si weyn u taabatay madaxda Xamaas.

Golaha sare ee Xamaas, oo hadda ah guddi kumeel gaar ah oo ka kooban shan xubnood, ayaa la dhisay dabayaaqadii 2024 si uu u hoggaamiyo ururka inta lagu guda jiro dagaalka socda.

Waxaa weli la sugayaa in Xamaas ay si rasmi ah uga hadasho wararka sheegaya in al-Hayya lagu dhaawacay ama lagu dilay weerarka, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM