Waa kuma majaajiliistaha wacdaraha ka dhigaya doorasho madaxwayne?

Image

PETRO POROSHENKO, Ukraine – Majaajiliiste aan waayo aragnimo badan u lahayn siyaasada ayaa qarka u saaran in uu noqdo madaxwaynaha dalka Ukraine.

Volodymyr Zelenskiy oo ku guuleystay cod-bixinta wareega koowaad ayaa haysta codad gaaraya 30% dhamaan codadka la dhiibtay.

Hogaamiyaha haatan Petro Poroshenko ayaa uruur-saday 16% oo kamid ah coddeynta, halka ra’iisul wasaarihii hore, Yulia Tymoshenko ay umuuqato mid tartanka ka hartay.

Zelenskiy iyo Poroshenko oo taageersan mab-da'a Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay mar kale loolamaan bisha dambe si loo helo madaxwaynaha saxda ah.

- Waa kuma Volodymyr Zelenskiy? -

Mr Zelenskiy waa majaajiliiste aanan khibrad badan u halayn siyaasada, balse u xusul-duubanaya in uu wacdaro ka dhigo doorashada madaxwaynaha.

Ol'olale badan ma uusan gelin, isku soo baxyo badan ma sameyn, intaasi waxaa dheer in uu bixiyay wareysiyo yar oo damaciisa ku aadan.

Mid kamid ah filimaanta guuleystay ee uu dadka kusoo jiitay waxaa kamid ah mid uu magaciisu yahay "Addoonka Dadka".

Doorka uu ku lahaa filimkaasi wuxuu ahaa jilaa. Waxa uu noqonayaa madaxwayne, isaga oo la dagaalamaya musuq-maasuqa - waliba si dhab ah.

Wuxuu u muuqdaa mid aanan lahayn aragti xoogan oo siyasadeed marka laga reebo in uu doonayo isbedal muuqda iyo wax cusub.

Baraha bulshadda oo uu si wayn u adeegsaday ayuu kusoo jiitay cod-bixiyaasha dhalinta ah ee doorashada ka qaybgalaya.

Mr Zelenskiy oo la hadla buslooyinka Raashiyaanka ah iyo Ukrainian-ka ah marka ay jiraan arrimaha xasaasiga ah ayaa dhax-lisay in uu taageero ka hela bariga Ukraine oo ay ku badan yihiin dadka asalkoodu Ruushku yahay.

Mr Kolomoisky waa mulkiilaha talafishinka caanka ah ee 1+1, kaasoo kamid ah kuwa loogu daawashada badan yahay gudaha wadankaasi Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM