Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?
TEHRAN — Baarlamaanka Iiraan ayaa Axaddii ansixiyay magacaabista Mehrdad Akhlaghi Ketabchi oo loo magacaabay wasiirka cusub ee difaaca dalka, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil.
Ketabchi, oo 68 jir ah, ayaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Wasaaradda Difaaca iyo Saadka Ciidamada Qalabka Sida, kaddib markii wasiirkii hore ee difaaca, Aziz Nasirzadeh, lagu dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, kaas oo billowday 28-kii Febraayo.
Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen. Baarlamaanka ayaa kulamadiisa ku qabtay hab online ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Ketabchi ayaa xilka kala wareegaya Majid Ebn-e Reza, oo si ku-meel-gaar ah u hayay jagada wasiirka difaaca tan iyo markii la dilay Nasirzadeh. Ebn-e Reza ayaa hadda noqonaya ku-xigeenka wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ayaa wajahaya hawl culus oo ah dib-u-dhiska iyo ballaarinta kaabayaasha warshadaha milatari ee Iiraan, kuwaas oo si weyn u waxyeelloobay kaddib weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Qorshayaasha difaaca ee Ketabchi ayaa horay u ansixiyay saraakiisha sare ee militariga, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Pezeshkian ayaa sheegay in Iiraan aysan doonayn inay bilowdo gardarro ka dhan ah dal kale, balse ay si adag uga jawaabi doonto weerar kasta oo lagu qaado dhulkeeda.
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ma noqon doonto cidda bilowda gardarrada ka dhanka ah dal kale, balse waxay si adag oo aan leexleexad lahayn u difaaci doontaa madax-bannaanida dhuleed ee dalka haddii la soo weeraro,” ayuu yiri madaxweynaha.
Magacaabista Ketabchi ayaa ku soo beegmaysa xilli hoggaanka Iiraan uu wajahayo caqabado waaweyn oo la xiriira dagaalka, khasaaraha soo gaaray hoggaanka sare iyo baahida loo qabo in dib loo habeeyo awoodaha milatari ee dalka.
Dagaalka ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca laga qabo amniga gobolka iyo saameynta uu ku yeelan karo isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Iiraan ayaa u aragta dib-u-dhiska awooddeeda difaac arrin muhiim u ah ka jawaabista weerarrada iyo ilaalinta dhulkeeda, halka Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan cadaadiska milatari ee ka dhanka ah Tehran.
GAROWE ONLINE