Waa kuma siyaasiyiinta ku loolamaya madaxtinimada Ruushka?

Image
Waxaa la xiray marxaladii lagu shaacin lahaa musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxtinimo

Moscow (GO) - Wakaalada wararka ee TASS ayaa Axadii sheegtay in la xiray marxaladii lagu shaacin lahaa musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay in lagu qabto dalka Ruushka bisha March ee soo socota.

Wakaaladdu waxay sheegtay in liiska musharixiinta uu ka mid yahay madaxweyne Vladimir Putin, iyo saddex siyaasi oo dhammaantood taageersan dagaalka Moscow ay ka waddo Ukraine.

Liiskan ayaa waxa ka maqnaa musharraxa Ruushka ee ka soo horjeeda dagaalka Ukraine Boris Nadezhdin, ka dib markii guddiga dhexe ee doorashada ka hor istaageen inuu tartamo, iyagoo sheegay inay heleen khaladaad xagga ururinta saxeexyada looga baahan yahay musharaxiinta.

Nadezhdin oo laga reebay inuu u tartamo doorashada ayaa ku tilmaamay dagaalka Ukraine inuu yahay qalad aad u xun.

Waxa uu sheegay Khamiistii in uu maxkamadda sare ee Ruushka racfaan uga qaadan doono go’aanka guddiga doorashada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM