Waa kuma xiddiga Liverpool oo aabihiis la afduubtay?

Image

LONDON - Booliska Colombia ayaa sii wada baadigoobka aabaha dhalay weeraryahanka Liverpool Luis Diaz, maalin kadib markii isaga iyo xaaskiisa laga afduubtay meel u dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Venezuela.

Kooxo hubeysan ayaa Sabtidii kasoo afduubtay Luis Manuel Diaz iyo xaaskiisa Marulanda magaalada Barrancas ee ku teedsan badda Kariibiyaanka.

Booliiska ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen Marulanda fiidkii, balse ninkeeda ayaa weli ku jira gacanta kooxda hubaysan.

William Salamanca oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in uu khadka taleefoonka ugu sheegay ciyaaryahanka kooxda Liverpool in uu sameeyay dadaal kasta oo uu ku raadinayo aabihiis, waxa uuna sidoo kale u sheegay in hooyadiis ay nabad qabto oo aysan waxba gaarin.

Booliiska Colombia ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 49,000 oo Dollar u ballan qaadday cid kasta oo soo sheegta halka uu ku sugan yahay Diaz aabihiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM