Waa maxay sababta ay Israa’iiliyiintu u beegsanayaan Cisbitaallada?

Image

QASA (GO) - Ciidamada Israa’iil ayaa Arbacadii xoog ku galay xarunta caafimaadka ee Al-Shifa ee magaalada Qasa, iyagoo sheegay in dabaqa hoose ay ku taallo saldhig ay leeyihiin ururka Xamaas, arrintaas oo ururku marar badan beenisay.

Ciidamada Israa'iil ayaa baaritaanno ku sameeyay dhismaha iyo qeybta hoose ee xarunta caafimaadka ee Shifa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaallada Qasa, Muhammad Zaqout.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale daabacday muuqaal laga duubay gudaha Cisbitaalka oo muujinaya burburka ka soo gaaray duqeynta Israa’iil.

Cisbitaalada Qasa ayaa lagu hayaa weeraro, taasoo keentay in marar badan la duqeyo, waxaana laga cabsi qabaa inay uga sii darto xaalada adag ay ku sugan yihiin bukaanada.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah warbixinnada, sababaha loo beegsaday cisbitaalka ayaa ah ciidamada Israa’iil oo ku guuldareystay in ay guul ka gaaraan dagaalka ama in ay xoreeyaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan XMS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM