Waayo cusub oo u bilowday xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Suuriya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Faysal Mekdad, ayaa markii ugu horeysay tagay Jeddah tan iyo 2011-dii.

LONDON, Britain - Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Faysal Mekdad, ayaa booqasho taariikhdi ah waxa ku tagay dalka Sucuudi Carabiya, iyadoo uu sii kordhayo xiriirka u dhexeeya Dimishiq iyo Riyaad.

Mekdad ayaa Arbacadii gaaray magaalada Jeddah ka dib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, sidda ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka labada dowladood.

"Labada mas'uul ayaa yeelanaya fadhi ku saabsan dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu gaaro xiisadda Suuriya taasoo ilaalinaysa midnimada, amniga iyo xasilloonida Suuriya," ayay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ku sheegtay bayaan.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan fududeynta dib u celinta qaxootiga Suuriya, iyo xaqiijinta gargaarka bini'aadanimo ee meelaha ay dhibaatadu saameysey ee Suuriya".

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Asad, ayaa si weyn waxa uu uga adkaaday mucaaradkiisa hubka ka helayey dowladdo badan isagoo taageero ka helaya Ruushka iyo Iiraan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa sii kordhayay xiriirka ay dowlado Carbeed la sameynayaan Al-Asad, kaasoo go'doonsanaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Suuriya.

Booqashada Mekdad waxay ku asteysan tahay safarkii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed Suuriya uu ku tago Sacuudiga tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo uu billowday dagaalka Suuriya.

Sacuudi Carabiya ayaa si aan dhuumasho lahayn waxay ula safatay mucaaradka Suuriya taasoo meesha ka saartey cilaaqaadka laba geesoodka ah, hase ahaatee xiriirku wuxuu soo hagaagay bilihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM