Waayo cusub oo u bilowday xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Suuriya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Faysal Mekdad, ayaa markii ugu horeysay tagay Jeddah tan iyo 2011-dii.

LONDON, Britain - Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Faysal Mekdad, ayaa booqasho taariikhdi ah waxa ku tagay dalka Sucuudi Carabiya, iyadoo uu sii kordhayo xiriirka u dhexeeya Dimishiq iyo Riyaad.

Mekdad ayaa Arbacadii gaaray magaalada Jeddah ka dib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, sidda ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka labada dowladood.

"Labada mas'uul ayaa yeelanaya fadhi ku saabsan dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu gaaro xiisadda Suuriya taasoo ilaalinaysa midnimada, amniga iyo xasilloonida Suuriya," ayay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ku sheegtay bayaan.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan fududeynta dib u celinta qaxootiga Suuriya, iyo xaqiijinta gargaarka bini'aadanimo ee meelaha ay dhibaatadu saameysey ee Suuriya".

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Asad, ayaa si weyn waxa uu uga adkaaday mucaaradkiisa hubka ka helayey dowladdo badan isagoo taageero ka helaya Ruushka iyo Iiraan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa sii kordhayay xiriirka ay dowlado Carbeed la sameynayaan Al-Asad, kaasoo go'doonsanaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Suuriya.

Booqashada Mekdad waxay ku asteysan tahay safarkii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed Suuriya uu ku tago Sacuudiga tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo uu billowday dagaalka Suuriya.

Sacuudi Carabiya ayaa si aan dhuumasho lahayn waxay ula safatay mucaaradka Suuriya taasoo meesha ka saartey cilaaqaadka laba geesoodka ah, hase ahaatee xiriirku wuxuu soo hagaagay bilihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM