Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Image
Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

San’aa (GO) - Culimaa’udiin kala geddisan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Caalimkii Yemen Sheekh Cabdul Majiid Al-Zindaani oo maanta oo Isniin ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul, isagoo 82 jir ah.

Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed bin Cabdul Majiid Al-Zindaani, ayaa qoraal uu soo dhigay X waxa ku yiri, “Inna Lillaahi Wa Inna ilayhi rajicuun”

Qoraalada tacsida xambaarsan ayaa isa soo tarayay saacadihii la soo dhaafay iyada oo ay Culimo, siyaasiyiin, iyo bahda saxaafadda soo saareen qurmooyin ku aadan geeridii ku timid Sheekh Al-Zindaani oo ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

Waxaa xusid mudan in Al-Zindani uu ku dhawaaqay 2005-tii in uu soo saaray dawada AIDS-ka, balse ma uusan shaacin illaa uu maanta geeriyooday.

Al-Zindani oo dhashay sanadkii 1942 ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah Culumada ugu caansan Yemen wuxuuna ka aasaasay Jaamacadda Al-Iman iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Mucjisooyinka Sayniska ee Quraanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM