Wadahadaladda heshiiska Nukliyeerka oo dib u bilowdey

Image
Haddii lagu guuleysto, wada-hadallada ayaa qaadi doona cunaqabateynta Mareykanka ee halka dhinac ah iyadoo dib loo dhigayo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

WASHINGTON, USA - Iiran iyo quwadaha adduunka ee 2015-kii qalinka ku duugay heshiiska Nukliyeerka ayaa ka billaabay Vienna wadahadallo la wada sugayay si loo soo celiyo heshiiskii, kaasoo Mareykanka uu ka baxay saddex sano ka hor.

Fariimaha ayaa loo gudbiyay wakiilada Mareykanka iyadoo Iran ay mar kale diiday inay qabato wadahadal toos ah maadaama Washington aysan xubin ka ahayn heshiiska.

War qoraal ah oo ka soo baxay kadib wadahadalka, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa lagu sheegay in ergayga dalkaas Ali Bagheri Kani uu ku nuuxnuuxsaday in Iran ay dhab ka tahay in la gaaro "heshiis cadaalad ah" oo lagu sugayo danaha sharciga ah ee Iran.

Shirkan ayaa qeyb ka ah wada-hadallo lix-wareeg ah oo bishii June loo hakiyey si loogu oggolaado madaxweynaha Iiraan Ebrahim Raisi in uu soo dhiso maamulkiisa.

Kulamo dhowr ah oo aan rasmi ahayn, oo ay ku jiraan kulan saddex geesood ah oo u dhexeeya Iran, Shiinaha iyo Ruushka, iyo mid kale oo u dhexeeya Kani iyo EU's Mora, ayaa la qabtay Axadii si loo dejiyo wada xaajoodyada ugu muhiimsan.

Haddii lagu guuleysto, wada-hadallada ayaa qaadi doona cunaqabateynta Mareykanka ee halka dhinac ah iyadoo dib loo dhigayo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Balse kala duwanaanshaha mowqifyada labada dal ee ku wajahan wada-hadallada ayaa shaki gelinaya suurtogalnimada guusha, waxaana la filayaa inay sii dheereeyaan wadahadallada.

Dhanka kale, quwadaha kale ee gobolka sida xubnaha Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa soo dhaweeyay soo celinta heshiiskii nukliyeerka, halka ay - oo ay hogaaminayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Iran, Sacuudi Carabiya - hore u taageeray ololaha "cadaadiska ugu sarreeya" ee Trump ee ka dhanka ah Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM