Wadahadaladii u dhaxeeyay Israa’iil iyo XMS oo lagu waramayaa in ay fashil ku soo dhamaadeen

Image
Israa'iil ayaa qorsheynaysa inay weerarto magaalada Rafah.

Qasa (GO) - Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in Israa’iil ay raadinayso ilo kale oo ay ku hesho hub, ka dib markii wada-xaajoodyadii kala dhexeeyay Xamaas ay Fashil ku soo dhamaadeen.

Warbaahinta Israel ayaa ka soo xigatay Saraakiil sarsare in Israa’iil ay raadineyso ilo kale oo ay ka hesho hub, iyadoo ka cabsi qabta in Maraykanka uu joojiyo taageerada militari haddii ay weeraraan magaalada Rafah.

Shalay oo Axad ahayd, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay geli doonaan Rafah si ay u gaaraan "guul buuxda" meeshana ka saaraan hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza, Yahya Sinwar.

Gelitaanka milatari ee Rafah ayaa ka dhigan qodob aasaasi ah oo ay isku hayaan Israa'iil iyo Maraykanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM