Wadahadaladii XMS iyo Israa'iil oo qarka u saaran inay burburaan

Image
Qatar ayaa ku dhawaaqay in wadahadalada ay marayaan marxalad xasaasi ah.

Doha (GO) - Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in wadahadalada xabadjoojinta ee Marinka Qasa iyo sii deynta maxaabiista ay marayaan marxalad xasaasi ah.

Waxa uu intaa ku daray inay jiraan isku dayo lagu doonayo in looga gudbo caqabadaha jira, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dalkiisu uu cambaareynayo siyaasadda ciqaabta wadareed ee ay Israa’iil ku sii waddo marinka Qasa iyo kororka ka taagan Daanta Galbeed.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib maalmo uu madmadow badan ku jiray wada xaajoodyadii u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas, ka dib markii ururka u gudbiyay jawaabtiida dhexdhexaadiyeyaasha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM